Dowladaha Turkiga iyo Ruushka oo heshiis wada gaaray.

Dowladaha Turkiga iyo Ruushka oo heshiis wada gaaray.

daajis.com:-  Labada Madaxweyne ee dalalka Ruushka iyo Turkiga oo kulamo ku yeeshay gudaha Dalka Turkiga ayaa waxa ay ka wada hadleen Sidii loo xoojin lahaa xiiriirka ka dhaxeeyo labada wadan.

Vladimir Putin oo booqasho Seddex maalin ah ku joogay Dalka Turkiga ayaa dhigiisa Turkiga kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaaleee labada dal waxaa uuna Putin balan qaaday in uu dhimi doono 6% qiimaha gaas-ka ay usoo iib geeyaan dalka Turkiga.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii ay iskaaga Kaashan lahaayeen dhisitaanka Tubo la marsiinaayo gaaska loo iib geynayo Koofurta Yurub.

Heshiiskaan ayaa kusoo aadayo xili khilaaf siyaasadeed uu ka dhax taaganayahy labada xukuumadood ee ruushka iyo Turkiga kaas oo salka ku haayo arinta Dalka Siiriya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada