Dab la qabad siiyay Xarun Lagu xanaaneeyo Dadka qaba Cudurka Ebola

Dab la qabad siiyay Xarun Lagu xanaaneeyo Dadka qaba Cudurka Ebola

daajis.com:-Wararka Ka imaanaya Magaalada Kissidougou ee koofurta Wadanka Guinea ayaa sheegaya in koox dhalinyaro ah ay dab qabad siiyeen xarun caafimaad lagula tacaalo dadka uu soo ritay Cudurka Ebola kaasi dhibaato xoogan ku haya dadka ku nool Galbeedka Qaarada Afrika.

Dadka u dhashay dalka Guinea, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada miyiga ah waxa ay shaki ka qabaan howlaha lagula dagaalamayo Cudurka Ebola, Kaasi oo ay sheegeen inay hay'adaha imaanaya deegaanadooda ay sabab u noqon karaan in dadkaasi uu gaaro Virus ka Ebola.

Dhalinyaradaan ayaa waxay ku qeylinayeen “halkan Ebola ha inoo keenina”. MSF ayaa sheegtay in muhiimadda xaruntaasi dhowaantan loo sameeyay ay tahay in nawaaxigaasi lagu arkay dad badan oo looga shakiyay inay cudurka qabaan.


Booliska Magaalada Kissidougou ayaa sheegaya in kooxo dhalinyaro ah ay gubeen teendhooyiin ay lahayd hay’adda MSF, ayna ceyrsadeen saqaalihii hay’adda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada