DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka oo codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed

DEG DEG: Xildhibaanada Baarlamaanka oo codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed

daajis.com:-Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa goor dhow codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare C/wali, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada.

153 xildhibaan ayaa kala laabatay codka kalsoonida, halka 80 xildhibaan ay diiday, iyadoo labo xildhibaan ka aamustay, sidaas Xukuumada ayaa ku dhacday.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa saf ku codeynayay, waxaana kuraasta baarlamaanka uu ka koobnaa 7 saf, iyadoo howl wadeenada Baarlamaanka ay si taxadar ku jiro ay u tirinayeen cododka Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, isagoo sheegay in Xukuumada Ra’iisul Wasaare C/wali ay weysay codka kalsoonida Baarlamaanka.

Mr Jawaari ayaa sheegay in 235 xildhibaan oo soo xaadirtay kulanka ay 153 u codeeyeen mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada, halka 80 xildhibaan ay diiday, labo xildhibaan ka aamustay.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in sida uu qabo dastuurka looga baahan yahay Madaxweynaha in muddo 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul wasaare cusub.

Ra’iisul Wasaaraha kalsoonida ka waayay baarlamaanka ayaa xilkan loo magacaabay 12-kii bishii December ee sanadkii hore, wuxuuna xilka ka degayaa muddo sanad ku dhow oo uu xilka haayo.

Sanadkii hore bishan oo kale Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waayay codka kalsoonida Baarlamaanka, iyadoo ay aheyd 2-dii bishii December, dad badan ayaa aaminsan in Baarlamaanka uu ahaa kan udub dhexaadka u ahaa soo afjarida khilaafka Madaxda dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada