Sirdoonka:- Dowladda Dalka Ugandha oo ka cabsi qabto Weerar Uga yimaado Al Shabaab

Sirdoonka:- Dowladda Dalka Ugandha oo ka cabsi qabto Weerar Uga yimaado Al Shabaab

daajis.com:- Dowladda Uganda ayaa feejignaan dheeri ah waxa ay gelisay ciidamadeeda ammaanka dalkaasi, kadib cabsi soo wajahday oo la xiriirta dhanka ammaanka Magaalada Kampala.


Taliyaha Ciidamada Booliska Uganda Kale Kayihura ayaa u sheegay Wargeyska New Vision inay amreen ciidamada ammaanka inay si weyn u adkeeyaan ammaanka dalkaasi inta loo dabaal dagaayo maalmaha fasaxa Karismiska.


Waxa uu sheegay in dhamaan Saraakiisha qaabilsan sugidda Nabadgelyada uu ku wargeliyay xaqiijinta ammaanka goobaha ay isugu tagaan shacabka ee ay fasaxa ku qaataan maalmaha fasaxa.


Uganda ayaa cabsi weyn waxa ay ka qabtaa in Kooxda Shabaab ay weeraro ka geystaan gudaha dalkaasi, maadaama Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, suuragalna ay tahay in dalka Uganda weeraro qaraxyo ah ay ka geystaan.

Sidoo kale waxaa digniin kale oo amniga ku saabsan soo saaray Taliyaha ciidamada Difaaca dalka Uganda Gen. Katumba Wamala oo sheegay in dadka laga rabo inay ka fekeraan amnigooda, xilliyada ay isugu tagayaan goobaha damaashaadka ee Bulshada isugu timaado.

Dowladda Uganda ciidamo ka socda dalkeeda ayaa waxa ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, waxa ayna qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada