Dowlada Turkiga oo amartay in la soo xiro wadaadka Fethullah Gulen(Sebabtu Maxey Tahay)?

Dowlada Turkiga oo amartay in la soo xiro wadaadka Fethullah Gulen(Sebabtu Maxey Tahay)?

daajis.com:-Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa soo saartay warqad amar ah oo lagu soo xirayo wadaadka musaafuriska ugaga maqan dalkiisa ee Fethullah Gulen.

Mr Gulen oo ku nool dalka Turkiga ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu aasaasay isla markaana uu hogaamiye u yahay urur hubeysan oo argagaxiso ah.

Wadaadkan ayaa waxaa uu hore ula ahaa saaxib dhow madaxweyne Recep Tayyib Erdogen hase ahaatee waxaa loo haystaa hadda dacwad ah inuu doonayay in uu afgambiyo xukuumada Turkiga. Balse wadaadka ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Inkastoo xukuumada Turkiga ay u jartay warqada soo qabashada ah ayaan hase ahaatee la fileyn in xukuumada Maraykanka ay oggolaato in laga soo masaafuriyo dalkeeda haddii laga codsado.


Amarka soo qabashada wadaadkan ayaa imanaya kadib markii dhowaan dad la tuhunsan yahay in ay taageeryaal u yihiin xabsiga la dhigay.

Inkabadan labaatan saxafi oo lala xiriirinayo in Gulen ayaa dhowaan xabsiga loo taxaabay iyadoo sidoo kale saraakiil ciidamada ka tirsan xabsiga loo taxaabay.

Sanad kahor ayaa madaxweynaha dalka Turkiga Erdogen oo xilligaas ahaa ra’iisal wasaare ayaa qaar ka mid ah golahiisa wasiirada lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq waxayna taasi sababtay in afar wasiir ay is casilaan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada