Louis van Gaal Oo Magacaabay Kabtan Ku Xigeenkiisa Cusub Ee Manchester United.

Louis van Gaal Oo Magacaabay Kabtan Ku Xigeenkiisa Cusub Ee Manchester United.

daajis.com:- Tababaraha Manchester United Louis van Gaal ayaa ka dhigay xiddiga khadka dhexe Michael Carrick kabtan ku xigeenkiisa cusub.

Darren Fletcher ayaa doorkaas la siiyay bilowgii xilli ciyaareedka, laakiin ciyaaryahanka reer Scotland ayaa ciyaaray kaliya 49 daqiiqo tan iyo dhamaadkii bishii August.

Carrick oo 33 sanno jir ah ayaa ka soo laabtay dhaawac canqowga ah isagoo ku soo bilowday dhamaan lixda kulan ee xiriirka ah ee ay badisay Man United.

“Waxaan heystaa seddex kabtan” ayuu yiri Van Gaal.

“Waxaana ay isagu xigaan sidaan: Rooney waa kow, Carrick waa labo, Fletcher waa seddex.”


Ka hor kulanka maanta ee ay u safrayaan Aston Villa, Van Gaal ayaa hoosta ka xariiqay in Carrick uu deganaansho ku soo biiriyay xerada tababarka kooxda.

“Waxa uu kooxda la yimid qibrad badan laakiin sidoo kalena dabci wanaag” ayuu yiri ninka reer Holland.

“Waxa uu xawili karaa falsafadeyda marka uu garoonka ku jiro.”

Carrick ayaa ciyaaray mid ka mid ah booska seddexda daafac dhexe ee uu Van Gaal 3-0 kaga badiyay Liverpool isbuucii hore.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada