Tababare:- Manuel Pellegrini Oo Ku Xujeeyay Chelsea Inaysan Noqonin Sida Arsenal Qeybta Labaad Ee Xilli Ciyaareedka.

Tababare:- Manuel Pellegrini Oo Ku Xujeeyay Chelsea Inaysan Noqonin Sida Arsenal Qeybta Labaad Ee Xilli Ciyaareedka.

daajis.com:- Manuel Pellegrini ayaa ku xujeeyay Chelsea inay cadeeyaan haddii ay leeyihiin awooda ay ku sii joogaan inay ku guuleystaan horyaalka.

Manchester City ayaa ku dhibco noqon karta Chelsea haddii ay ka badiyaan Crystal Palace maanta ka dib markii markii ay soo yareeyeen farqigii sideeda dhibcood ee u dhaxeeyay iyaga iyo kooxda Jose Mourinho ee Blues.

Tababaraha Pellegrini ayaa yiri: “Waxaan mar walba rumeysnaa inaan dhibcaha soo yareyn karno. Malaha waxaad xusuusataan sannadkii hore markaasoo shan kulan ay inoo hartay, waxaan ogeyn inaan u baahanahay inaan badino dhamaantood, waana sameynay.

“Ma aqaano haddii ay saameyn maskaxeed ku leedahay kooxaha kale, laakiin kooxdeena waxaan mar walba dagaalanaa ilaa iyo kulanka ugu danbeeya, mana quusano ilaa iyo xisaabta ay inoo sheegto inaan guuleysan karin.”

Markii la weydiiyay haddii Chelsea ay awood u leedahay inay horyaalka ka qaado kooxdiisa, waxa uu yiri: “Arsenal waa ay sameyn weysay qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore. Waxaana ay heysteen dhibco la mid ah inta dhibcood ee ay haatan heysato Chelsea.

“Sidaasi darteed waan arki doonaa waxa dhaca qeybta labaad ee xilli ciyaareedka, iyo inta dhibcood ee loo baahan yahay in lagu qaado horyaalka.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada