Daawo:- Xarunta Xayat ee Tababarada iyo Hogaaminta oo qabatay Tababar lagu hormarinayo shaqada iyo nolosha

Daawo:- Xarunta Xayat ee Tababarada iyo Hogaaminta oo qabatay Tababar lagu hormarinayo shaqada iyo nolosha

daajis.com:- Xarunta Xayat ayaa soo gagabeysay tababaro isdabajoog ah oo ay qabaneysay bilihii lasoo dhaafay ,kuwaas oo ay ka faaiidaysteen boqolaal qof gaarahan ardayda iyo da’yarta.

Xaruntu waxey shalay soo xirtay siminar magaciisu ahaay “  sida qof ku ugu guuleysan karo shaqadiisa iyo noloshiishaba” , siminarkas oo lagu falanqeyay xirfadaha uu ubaahanyahay ardayga jaamacada kasoo baxay iyo sida aw ugu guuleysankaro shaqadiisa.

Tababarkas wuxuu awooda saaray in loo baahanyahay in qofku isoo dhiso soona ogaado awoodaha dabeeciga ah iyo xirfada uu leeyahay inta awsan imaan suuqa shaqada. Waxay kasoo qeybgalayaasha ku barteen habab casri ah oo lagu baaro shakhsiyada qofku leeyahay iyo shaqada ku haboon shakhisiyadaas, taas oo usuurtagalinaysa qofka in uu ku guuleysto shaqada farxadna ku noolaado.

Waxaa kale oo kasoo qeybgalayaashu ku barteen hababka ugu fiican oo loo baaro shaqada iyo sida loo qoro CVyada, warqadaha codsiga iyo si loogu guuleysto wareysiyada laga qaado shaqa doonka.

Xarunta Xayat waxaa loo aasaasay in ay bixiso tababaro sare loogu qaadaayo tayada dadka iyo shirkadaha. Waxey kaloo bixisaa barnaamijyada hormarinta aadamiga oo ku qotonta dhinacyada kala duwan ee qofku baahanyahay in aw iska hormariyo sida dhinaca: diiniga, maaliga, academiga, caafimaadka iyo shaqada.

Xaruntu waxey ku wargalinee dhamaan Shirkadaha ganacsiga, jaamacadaha iyo schoolada ,Hotelada , NGOyada, shaqaalaha iyo ardayda in ay qabaneyso tababaro isdabajoog ah oo sare loogu qaadayo tayada iyo xirfadaha asaasiga ah, marka Xarunta waxey diyaar u tahay in ay daboosho baahikasto oo ay qabaan dhinacyada kor ku xusan.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada