Israel oo duqeyntii u horeysay ku qaaday magaalada Qaza, kadib xabad joojintii bishii Agosto

Israel oo duqeyntii u horeysay ku qaaday magaalada Qaza, kadib xabad joojintii bishii Agosto

daajis.com:-Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel ayaa duqeysay magaalada Qaza, taasoo ah duqeyntii u horeysay tan iyo markii lagu dhawaaqay xabad joojintii bishii Agosto.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay markii Xamas ay jimcihii ay gantaalo ku soo riday Israel, waxaana Milateriga Israel uu sheegay in duqeynta diyaaradaheed ay jawaab u aheyd gantaalka Xamas soo riday.

Col. Peter Lerner oo ka mid ah ciidamada Israel ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa markii Xamaas ay ku soo rideen gantaal deegaanka Eshkol oo ku yaala Koofurta Israel jimcihii.

Dadka deegaanka ee Khan Yunis ee magaalada Qaza ayaa soo wariyay in labo qarax oo waa weyn ay maqleen

Weerarka duqeynta ayaan wax khasaare ka dhashay, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay markii ay maqleen dhawaaqa duqeynta.

Xabad joojintii la gaaray bishii Agosto ayaa ka dambeysay kadib dagaalo socday todobo isbuuc oo xiriir ahaa, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 2,200 ruux u badnaa Falastiniyiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada