Madaxweynaha oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee maanta “Dhageyso”

Madaxweynaha oo soo dhaweeyay go’aankii baarlamaanka ee maanta “Dhageyso”

daajis.com:-Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go’aankii maanta ay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya codka kalsoonida kala laabteen xukuumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, isagoo balan qaaday in uu soo magacaabi doono Ra’iisul wasaare sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh  oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada ugu hambaleeyya sida xilkasnimada leh ee dimoqraadiyadda ku dheehtahay oo ay u guteen xilkooda dastuuriga ah, isagoo xukuumadda xafiiska sii baneyneysa ku bogaadiyay howsha adag ee ay soo qabteen, isla markaana Ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabi doono uu halkaasi ka sii wadi doono.

“Soomaaliya way ka soo gudubtay dagaalkii sokeeye, way ka soo gudubtay fowdadii, way ka soo gudubtay xilligii ay si sahlan u kala daadan kartay, maanta waxa ay maraysaa meel ay hay’adaheeda dowladnimda ay si buuxdo u shaqeynayaan, guddoonka baarlamaanka iyo Xidlhibaanada waxa ay muujiyeen dul qaad, karti dheeri ah iyo in ay aaminsanyihiin xalinta mushaakilaadkooda, waa dhab in lakala aragti duwanaaday ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan


Madaxweynaha ayaa xusay in ay albaabadiisa u furanyihiin dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, Xildhibaannada baarlamaanka ee codka kal soonida kala laabtay iyo kuwa taageeray xukuumadda intuba, waxaana beesha caalamka uga mahadcelinaynaa sida ay nooga war sugeyn, maadaama ay iyagu qabeen wal wal, balse wal walka intaas ayuu maanta ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dhawaan uu soo magacaabi doono Ra’iisul wasaare cusub si loo sii ambo qaado howlihii ay qabatay xukuumadii Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan dowladda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada