Stoke City Oo Gurgeeda Dhibta Badan Ee Britannia Stadium Ku Soo Dubatay Kooxda Arsenal Oo Marti Ugu Ahayd

Stoke City Oo Gurgeeda Dhibta Badan Ee Britannia Stadium Ku Soo Dubatay Kooxda Arsenal Oo Marti Ugu Ahayd

daajis.com:- Kooxda Stoke City ayaa gurigeeda ku soo dubatay kooxda Arsenal iyadoo guuldaro xanuun badan dhabarka u soo saartay, waxayna guushan kaga soo gaadhay 3:2, waxaana goolasha u kala dhaliyay Crouch, Bojan iyo Walters.

Arsenal ayaa kooxda Stoke City ku soo booqatay gurigeeda dhibta badan ee Britannia Stadium,waxayna Gunners ka fikiraysay inay sii wadato guulihii ay gaadhaysay kulamadii ugu danbeeyay halka Stoke City ay iyaduna maanka ku haysay inay soo gabgabayso guuldarooyin isdaba joog ah oo soo gaadhay kulamadii hore.

Stoke City ayay 19 ilbidhiqsi ama seconds oo kaliya ku qaadatay inay ciyaarta hogaanka u qabato, waxaana si lama filaan ah xili horaba hogaanka ugu dhiibay Peter Crouch, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Stoke City bilawgii ciyaartaba hogaanka kula wareegtay.peter

Kubbad uu soo tuuray Mame Biram Diouf isla markaana uu Chambers ku guuldaraystay inuu iska saaro ayuu Crouch ka faa’iidaystay wuxuuna dhaliyay goolkii xili ciyaareedkan ugu dhakhsaha badnaa.

Stoke City ayaa markale xaalka ku sii adkaysay kooxda martida ahayd ee Arsenal kadib markii uu daqiiqadii 35 aad Bojan Krkic  u dhaliyay goolka labaad, isaga oo ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Stoke City hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay. Kubbad uu soo farsameeyay Jonathan Walters  ayuu si xariiftinimoleh bojan kooxdiisa ugu dhaliyay goolka labaad.

Duufaanta Stoke City ayaa sii socotay  waxayna markale dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta la timid goolkeeda saddexaad, waxaana markan shabaqa soo taabtay caawiyihii goolkii labaad ee Jonathan Walters, kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:0 nadiif ah oo ay Stoke City hogaanka ugu raaxaysanayso. Kubbad uu koorne laga soo tuuray ayuu Peter Crouch madax ku soo dhuftay waxayna kubbad la kulantay Walters oo goolka Arsenal hortaagan kaas oo goolka saddexaad sii dhamaystiray.


Arsnenal ayaa qaybtii hore ee ciyaarta u muuqatay mid huruda isla markaana uu caajis badani ka muuqdo, gaar ahaan difaaca Chambers iyo Mertesacker ayaa u muuqday qaar  kala daadasan, waxayna sabab unoqdeen in kooxdooda qaybtii hore ee ciyaartaba laga dhaliyo saddex gool oo darandoori ah, qaybtii hore ee ciyaarta ayaana Arsenal u ahayd mid uu dhul gariir ku habsaday, waxaana la odhan karaa waa qaab ciyaareedkii abid ugu liitay ee ay Arsneal soo bandhigto qaybta hore ee ciyaarta.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:0 ay Stoke City hogaanka si raaxo leh ugu hayso.


Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Wenger kooxda soo raaciyay Danny Welbeck oo uu kursiga kaydka ku bilaabay., waxayna Arsenal ciyaarta ku soo laabatay iyada oo dhaarsan, waxayna goolkeeda furitaanka oo rekoodhe ahaa u dhaliyay Santi Cazorla isaga oo ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Arsenal ciyaarta ku soo laabatay. qalad uu Mame Diouf ku galay Mathieu Flamini  ayaana keentay inay ugu danbayn Arsenal goolka kowaad la timaado.Cazorla

Goolkaas ayaana Arsenal nafta soo celiyay, waxayna markale la timid goolka labaad kaas oo uu u saxiixay Aaron Ramsey, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:2 oo ay wali Stoke City hogaanka ku sii hayso.


Laakiin waxaa niyadii Arsenan ee soo kacaysay dilay markii uu garsooraha ciyaartu Champbers uu ciyaarta ka saaray kadib markii uu qaatay kaadhkiisii labaad ee digniinta ahaa. waxayna Arsenal ku soo yaraatay 10 ciyaartoy.


Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3:2 ay Stoke City guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Arsene Wenger oo qaybtii hore ee ciyaarta kala daadsanayd halka ay qaybtii danbe ee ciyaarta dadaal badan samaysay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada