Adem Ljajic Oo Roma Ka Badbaadiyay Guuldaro Gurigeeda Stadio Olymico Kaga Soo Gaadhi Lahayd Kooxda Sassuolo, Isaga Oo Lab Gool U dhaliyay

Adem Ljajic Oo Roma Ka Badbaadiyay Guuldaro Gurigeeda Stadio Olymico Kaga Soo Gaadhi Lahayd Kooxda Sassuolo, Isaga Oo Lab Gool U dhaliyay

daajis.com:-  Roma ayaa iska lumusay fursad dahabi ah oo ay ku soo yarayn lahayd farqiga dhibcaha u dhexeeya kooxda horyaalka hogaaminaysa ee Juventus kadib markii ay barbaro ay gurigeeda ugu dagaalantay la gashay kooxda Sassuolo, waxayna ciyaartaasi ku dhamaatay barbaro 2:2 ah, waxaana Roma daqiiqadii ugu danbaysay ciyaarta halka dhibic u badbaadiyay

kooxda Roma ayaa gurigeeda Stadio Olimpico ku soo dhawaysay kooxda Sassuolo waxayna Roma  kulankan iskeentay iyada oo soo guulaysatay saddex kulan oo xidhiidh ah waxayna ka fikiraysay inay caadiska ku sii kordhiso kooxda Juventus taas oo ay kulankii xalay ee Fiorentina kala kulantay barbaro gool la’aan ah

Roma ayaa sidoo kale ka fikiraysay kulanka kala baxa ah ee ugu danbeeya heerka group-yada ee Champione leaqeuga oo ay la ciyaari doonto kooxda Manchester City. kooxda martida ahayd ee Sassoulo ayaa si lama filaan ah daqiiqadii 15 aad kadib markii uu Simone Zaza kooxdiisa udhaliyay , wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Sassuolo ciyaarta hogaanka ugu qabatay.

Saddex daqiiqo kadib ayuu markale Simone Zaza kooxda Roma goolka labaad ugu qubeeyay, isaga oo si lama filaan ah daqiiqadii 18 aad ciyaarta uga dhigay 2:0 ay Roma oo gurigeeda joogta hogaanka ku dheeraystaan. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2:0 ay Sassulolo hogaanka ugu raaxaysanayso.

Qaybtii danbe ee ciyaartu markii ay wax yar socotay ayuu xaalku ku sii xumaaday koxoda martida loo ahaa ee Roma , waxaana daqiiqadii 50 ciyaarta laga saaray Daniele De Rossi kaas oo qaatay kaadhkiisii labaad ee digniita ahaa, waxayna intaa wixii ka danbaysay Roma ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

Daqiiqadii 78 ayay Roma la timid goolkeeda furitaanka waxaana udhaliyay  Adem Ljajic, isaga oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali ciyaarta ku hogaaminayso Sassuolo. waxayna intaa wixii ka danbaysay dadaal badan u gashay inay la timaado goolka barbaraha.Adem

Roma ayaana culays qaari caadi ah saartay kooxda martida ahayd waxayna ugu danbayn heshay goolka ay aadka ugu baahnayd ee ay ciyaarta ku barbaraysay, waxaana daqiiqadii 93 aad ee dhamadkii ciyaarta u dhaliyay isla Aden Ljajic, waxayna ciyaartu ku soo dhamaatay barbaro 2:2 ah.Roma ayaana iska dayacday fursad ay hal dhibic oo kaliya ku soo yarayn lahayd dhibcaha u dhexeeya iyada iyo Juventus.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada