Yaya Toure Oo Kooxdiisa Manchester City U Horseeday Guul Dahabi Ah, Xili Ay City Saddex Dhibcood Oo Kaliya U Soo jirsaday Chelsea Waxaa Qoray: Mahamoud Batalaale

Yaya Toure Oo Kooxdiisa Manchester City U Horseeday Guul Dahabi Ah, Xili Ay City Saddex Dhibcood Oo Kaliya U Soo jirsaday Chelsea Waxaa Qoray: Mahamoud Batalaale

daajis.com:- Kooxda Man City ayaa gurigeeda Etihad Stadium guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Everton oo marti ugu ahayd, waxaana goolka kaliya ee ay saddexda dhibcood kaga tirsatay Everton u dhaliyay Yaya Toure. Guushan ayaa City u sahashay inay saddex dhibcood oo kaliya ku soo yarayso farqiga dhibcaha u dhexeeyada iyada iyo kooxda horyaalka hogaaminaysa ee Chelsea oo iyadu galabta guuldaro kala kulantay kooxda Newcastle.Guushani bilaash ku may soo galin City ee waxay ku wayday Sergio Aguero oo ciyaarta bilawgeedii ku dhaawacmay.

Manchester City ayaa gurigeeda Etihad Stadium kuu soo dhawaynaysay kooxda Roberto Martinez ee Everton, waxayna kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysa in guul ay ka gaadho Everton ay u sahli doonto inay saddex dhibcood oo kaliya ku soo yarayn doonto farqiga dhibcaha ee u dhexeeyay iyada iyo Chelsea oo ay guuldaradii ugu horaysay xili ciyaareedkan ka soo gaadhay kooxda Newcastle United.

Bilawgii ciyaartaba Man City ayay dhibaato wayni soo gadhay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay gool dhaliyaheeda qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Sertigo Aguero. dhaawacan ayaana ka soo gaadhay Seamus Coleman iyo Muhamed Besic oo ay kubbad isku qabsadeen. Aguero ayaana ilmada xejisan waayay isaga oo ooyay kadib markii uu ogaaday inuusan ciyaarta sii wadan karin, waxaana daqiiqadii 7 aad ee bilawgii ciyaartaba lagu soo badalay da’yarka José Ángel Pozo.

Tababare  Pellegrini  ayaa u muuqaday inuu dib u dhigtay Edin Dzeko wuxuuna kafikirayay kulanka Champions leaquega ee Roma. Man City ayaana ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed fiican waxayna fursadeeda ay goolka furitaanka ku dhashatay timid daqiiqadii daqiiqadii 22 aad kadib markii uu Jagielka qalad ku galay Milner oo xerada ganaaxa Everton ku jira.

Wuxuuna garsooraha ciyaartu tilmaamay inay rekoodhe tahay. waxaana rekoodhahaas daqiiqadii 24 aad gool u badalay Yaya Toure isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City hogaanka ciyaarta kula wareegtay.qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 ay Man City ciyaarta ku hogaaminayso.toure

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Everton dadaal badan u gashay sidii ay iskaga oo celin lahayd gool ay City kaga hormatay, waxayna samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin lahayd. Everton ayaa culays aad iyo aad u badan saartay Man City dhamaadkii ciyaarta balse waxay ku guuldaraysatay inay ka faa’iidayso fursadaha ay heshay.

Daqiiqadii 82 aad ayuu Lukuku ku sigtay inuu kooxdiisa Everton u dhaliyo goolka barbaraha balse waxaa fursadaas oo halis ahayd kooxdiisa ka badbaadiyay Joe Hart.ugu danabayn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1:0 ay  Man City ku gaadhay guul aad iyo aad muhiim ugu ah, waxayna hadda ka saddex dhibcood oo kaliya ka hoosaysaa Chelsea oo horyaalka ku hogaaminaysa 36 dhibcood, waxayna Man City sidaa ku yeelatay 33 dhibcood.

Xigasho:- Laacib
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada