Madaxweynaha Siilaanyo :- waxa uu beegsanayaa beelo gaa ar ah” Waxaa yiri xildhibaan

Madaxweynaha Siilaanyo :- waxa uu beegsanayaa beelo gaa ar ah” Waxaa yiri xildhibaan

daajis.com:-Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali oo kamid ah Wakiilada Maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu awood u adeegsanaayo Salaadiinta iyo Shacabka beelaha ku nool gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in Axmed Siilaanyo iyo Taliyaha Booliska ay Ciidamada ku amreen inay xiraan Suldaanka Beelaha halkaasi degan oo isagu dhawaan sheegay in gobolka Awdal uu ka go’ay Somaliland inteeda kale.

“Madaxweynaha beelo gaar ah ayuu beegsanayaa” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in hadalkaasi awgii ay xukuumadda ciidamo tiro badan geysey gobolka Awdal, islamarkaasina arrintii waan waanta lagu xalin lahaa ay isku dayayso in ay ciidamo iyo xoog u isticmaasho.

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Yaasiin Cali Wuxuu xukuumadda ku eedeeyey in ay jiraan ajandayaal kale oo dowladda u qarsoon oo ka weyn xal ka gaarista arrina Awdal.

Axmed Yaasiin oo xariga iyo sumcad darida loo geystay Suldaanka ka duulaya ayaa waxa uu yiri “Amni Darro ma dhacdo adduunka illaa cadaalad daro ay dhacdo” waxa uuna intaa ku daray hadalkiisa in haddii cadaaladda la waayo aysan nabad dhacaynin.

Wuxuu Maamulka ka codsaday in ciidamada tirada badan ee Boorame la dhoobey lagu celiyo xeryahoodii, muranka jirana lagu dhameeyo qaab wadahadal.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada