XOG CUSUB: Magacyada xubnaha Habar-Gidir uga mid noqonaya golaha WASIIRADA

XOG CUSUB: Magacyada xubnaha Habar-Gidir uga mid noqonaya golaha WASIIRADA

daajis.com:-  Beelaha Habar-Gidir iyo Duduble ayaa loo qorsheeyay Laba Wasiir, Laba Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru Dowle ka mid ah xukuumadda cusub, sida aan xog ku helnay.

Labada Wasiir waxaa loo kala magacaabi doonaa Cabdikariim Xuseen Guuleed oo beesha Sacad Habargidir u dhashay iyo Xasan Maxamed Jimcaale oo beesha Duduble kasoo jeeda.

Wasiiru Dowlaha waxaa la qorsheeyey in loo magacaabo nin lagu magacaabo Abtidoon Koofi Shabaq oo u dhashay beesha Saleebaan Habargidi, halka Labada Wasiir ku xigeen loo kala magacaabi doono Mahad Maxamed Salaad oo Ceyr Habargidir u dhashay iyo Xersi Adam Rooble oo Saruur Habargidir ah.

Golahaan Wasiiradda waxeey meesha ka saareen rajadii Yusuf Garaad Cumar ka qabay in xil Wasiir ama Wasiir ku xigeen uu ka helo golaha cusub, inkasta oo uu maalmihii dhowaa uu aad ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan idiin soo gudbin doonaa Wasaaradaha loo kala qorsheeyay Wasiiradda, Wasiiru dowlaha iyo Wasiiro ku xigeenada, haddii aan xogtooda helno, insha allah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada