Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya (Sawirro)

daajis.com:-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xerada ciidanka Jasiira ee Muqdisho tababar ugu soo xiray 1,033 askari.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa isugu jiray 298 askari oo loo tababaray ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, 712 askari waxaa loo tababaray ciidanka xoogga ee lugta, halka 94 askari oo kalena ay yihiin booliska sida milateriga u tababaran.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Jen Daahir Aadan Cilmi (Indhaq qarshe ) oo ka hadlay munaasabadda waxuu sheegay in ciidamadani ay yihiin dufcaddii labaad ee komaandooska ay yeelanayso Soomaaliya, isagoo ciidamadan ku ammaanay inay tababar aad u sarreeya qaateen, uuna rajeynayo inay isbedel dalka ka sameyn doonaan.

Waxaa isaguna ka hadlay xafladda xirtaanka tababarka sii-hayaha wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxda argagaxisada, loona baahan yahay in meel looga soo wada-jeesto dagaalkooda si dalkan nabad looga dhigo muddo fog kaddib.


Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan nabad aad ka dhigtaan,” ayuu madaxweynuhu ku yiri ciidamada tababarka loo soo xirayay

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa ay aad ula yaabeen.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada