Maraykanka oo codsaday in la isugu tago K.Waqooyi

Maraykanka oo codsaday in la isugu tago K.Waqooyi

daajis.com:-Sarakaal Maraykan ah ayaa gaashaanka ku dhuftay beeninta Kuuriyada woqooyi ee ah inaysan u dhicin kombiyuutarrada sharikadda Sony ee filimada samaysa.

Maraykanku waxaa uu raadinayaa taageero caalami ah si ay ugu cadaadiyaan Kuuriyada woqooyi inay ka dambaysay weerarka lagu qaaday sawirrada kombiyuutarka sharikadda Sony.

Go'aanka lagu joojiyay furitaanka filimka shaactarada ah ee ku dhammaanaya hoggaamiyaha kuuriyada woqooyi oo dil khaarijis ah lagu sameynayo waxaa magaalada Washington looga arkay ujeeddo khatarteeda leh. Waxay hadda ku dedegeysaa sidii loo sixi lahaa wax isu-dheellitirka.

Sidii ay weligeeba ahayd wax ka qabashada kuuriyada woqooyi waxay ku xiran tahay Shiinaha. Laakiin beernugeyl badani halkaas kama jiro, mid ka mid ah wargeysyada dowladda waxaa uu sheegay in filimku uu muujiyay dhaqan xumada iyo kibirka Maraykanka.

Waxa keliya oo maamulka Maraykanku uu ilaa iyo hadda Shiinaha ka helay waxay tahay inay isku afgarteen in dhammaan wixii weerar ah ee hawada sare lagu qaado ay tahay mid ka baxsan xeerarka caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada