Guurka Xaaska Wanaagsan oo dawo u ah Cuduro Halis ah

Guurka Xaaska Wanaagsan oo dawo u ah Cuduro Halis ah

daajis.com:- Ragga nasiibka u yeesha guurka Dumarka farxadda badan ayaa la xaqiijiyay in aanay si dhakhso ah u cimri degdegin kana badbaadaan xanuuno badan oo halis galin kara noloshooda, sidaana waxa lagu sheegay natiijo ka soo baxday cilmi baadhis ay dhawaan sameeyeen khubaro ka tirsan Mahcadka lagu magacaabo Germany’s Max Planck Institute.

Cilmi baadhistan oo wax lagu waydiiyay Laba Kun oo qof oo isugu jira Rag iyo dumar xaasas leh ayaa lagu ogaaday in Ragga qaba xaasaska farxadda iyo wajiga furanaanta badani ay aad uga caafimaad badan yihiin maskax ahaan iyo jidh ahaanba Ragga kale ee qaba xaasaska cadhadda badan.

Sidoo kale, Khubaraddu waxa ay ku doodeen in farxadda iyo waji furnaanta ay haweenka la qabaa u yeeshaan Saygoodu in ay kaalin mihiim ah oo heer sare ka qaadato fayo dhawrka caafimaadka Ragga dhinac walba, taas oo ay sheegeen in horumarka, dadaalka iyo caafimaadka Raggu ay ku xidhan tahay hadba nooca ay noqdaan habdhaqanadda tigan ama taban ee ay kala kulmaan ooryaha ay qabaan


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada