Cumar Cabdirashiid oo la kulmay xildhibaannadii taageersana ra’iisul wasaare Cabdiweli

Cumar Cabdirashiid oo la kulmay xildhibaannadii taageersana ra’iisul wasaare Cabdiweli

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa galinkii dambe ee shalay la shiray xildhibaannadii taageersanaa xukuumaddii la riday ee ra’iisul wasaare,Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Cumar xildhibaannada waxuu u bandhigay sida uu u rabo inay kalsoonida siyaan,si uu usoo dhiso xukuumad cusub oo ka badalan tii horay u shaqeynaysay.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa sheegay inuu doonayo wada shaqeyn iyo talo dhow oo dhex marta isaga iyo xildhibaannada faderaalka Soomaaliya oo la filayo dhawaan inuu hortago.

“Waxuu noo soo bandhigay sida uu ku doonayo isbadalka,isagoo sheega inuu wada shaqeyn dhow la yeelan doono xildhibaannada,”sida waxaa sheegay xildhibaan Bashiir Nuur Ibraahin oo ka mid ah xildhibaannada la shiray ra’iisul wasaarah magacaaban.

Xildhibaan Bashiir Nuur Ibraahin waxuu tilmaamay inay soo dhaweynayna Cumar Cabdirashiid codka kalsoonidana ay siin doonan haddii uu hor-yimaado baarlamaanka.

Ugu dambeyn,xildhibaanadaan uu la shiray ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya ayaa ahaa kuwii sida weyn uga soo horjeeday mooshinkii lagu riday ra’iisul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweyne Xasan ayaa la filiya dhawaan inu horgeeyo baarlamaanka ra’iisul wasaaraha uu magacaabay si uu kalsooni u waydiiyo,kaddib haddii ay meel mariyaana waxaa uu guda-gali doona dhismaa xukuumad cusub oo ah mid lawada sugaya sida ay ku dhisanto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada