Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis : Shirkii Jabuuti Gooni Isutaaga Ayaa u Muhiimsanaa !!

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis : Shirkii Jabuuti Gooni Isutaaga Ayaa u Muhiimsanaa !!

daajis.com:-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in shirkii Jabuuti kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud arrimaha laga wadahadlay ugu muhiimsaneyd Gooni isutaaga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo Saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirkii Jabuuti ka dhacay looga hadlay arrimaha qadiyada gooni isutaaga Somaliland.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in la isku afgartay dib u bilaabista wadahadaladii socday ee hakadku ku yimid iyo danaha ka dhaxeeya labada dhinac,wuxuuna intaas ku daray in masiirka shacabka Somaliland ka noqon doonin.

………””’ Waxaana looga hadlay sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadalladii inoo socday ee hakadka galay iyo danaha kale ee inaga dhexeeya. Waxyaabihii kale ee looga hadlay shirkaas waxaa ka mid ah; sidii looga hadli lahaa loogu dhiirran lahaa aayaha Somaliland iyo shacabkeeda……..””ayuu yiri.

Sidoo kale ,wuxuu tilmaamay in labada madaxweyne isla garteen sidii loogu calool adeegi lahaa lagana joogsan wadahadalada iyo qodobada lagu heshiiyey sidii loo fulin lahaa.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa xusay in heshiiskii dhanka hawada oo dhowr jeer ka laabtaabatay dowlada Federaalka sidii horay loogu wadaheshiiyey ahaado.

……….””Wixii horay loogu wada-heshiiyay sida hawada oo dhowr jeer oo hore ay dowladda Somalia ka laalaabatay in sidii ay ahayd ee lagu heshiiyay loo dhaqan-geliyo…..””ayuu yiri Wasiirku.

Dhanka kale ,wuxuu hadalkiisa ku daray Maxamed Biixi Yoonis inaan la siyaasadeyn deeqaha caalamiga ah isla markaana loo ogolaado Somaliland dib u dhiskeeda iyo arrimaha gaarga ah u madax bannaanaato.

Dalka Jabuuti ayaa ,waxaa heshiis ku gaaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Somaliland kaasoo ka kooban lix qodob.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada