Sawirro:- Soomaalida Ireland oo xustay Maalinta Waxbarashada.

Sawirro:- Soomaalida Ireland oo xustay Maalinta Waxbarashada.

daajis.com:-  Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa habeenimadii sabtida ka dhacday magaalada Dublin ee dalka Ireland. Waxaa xaflada lagu maamuusayay maalin Soomaalida Ireland ay u aqoonsatay iney noqoto maalinta waxbarashada Soomaalida. Munaasabadda waxaa si weyn uga soo qeyb gallay dhamaan qeybaha bulshada sida ardayda, culimada, dhalinyarada, iyo waaridiinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Ireland.

Munaasabadda ayaa isugu jirtay wacyi gellin, cilmi kororsi, murti iyo madadaallo, waxaana ugu horeyn muxaadiro qiimo badan oo ku saabsan cilmiga kasoo jeediyey Sheekh Cabdirisaq oo ku dheeraday faa’iidada uu cilmigu if iyo aakhiraba uu u leeyahay cidii barata.


Daa’uud Gilingil ayaa isna munaasabassa kasoo jeediyey daraasad cilmi baadhisa oo ku saabsanayd, caqabadaha horyaalla ardayda Soomaaliyeed ee dugsiyada sare dhigata. Waxaa uu madasha kusoo bandhigay talooyin muhiim ah oo ku saabsan sidii ay uga bixi lahayeen dhibaatadaas.

Cabdiwahaab Sagal ayaa isaguna si qoto dheer uga hadlay dhibaatada shaqo la’aanta, waxa uuna faahfaahiyay sidii fursadaha shaqo ee dalka Ireland ka jira wax looga ogaan lahaa. Waxa uu tilmaamay iney muhiim tahay in arday walba iyo guud ahaan Soomaalida dalkaas ku dhaqan ay muhiim u tahay iney ogaadaan habka ugu munaasabsan ee ay shaqo ku heli lahaayeen.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Mr: Abdirisaaq Harir oo metalayey ardaydii waxbarashada dhamaysatay (Graduates) iyada oo dadkii ugu tirade badnaa oo Somali ahi ay sanadkan ka qalin jabiyeen Jaamacaha Ireland, wuxuu mr Harir usoo jeediyey bulshadii halkaas isugu timid inay ku dedaalaan waxbarashada isaga oo si gaara u tilmaamay inuu qof kastaaba uu barto wuxuu ku wanaagsan yahay oo aanu qof kale ku dayanin taas oo hadhow qofka dhibaato u keenaysa isaga oo aan fahmaynin maadada uu qaatay ka dibna uu wakhti kaga lumaayo, waxaa kaloo uu kula dardaarmay in luuqada marka hore la barto, maxaa yeelay luuqadu waa furaha fahamka

Dhinaca kale waxaa iyana munaasabadda dhinaca Skypeka si toos ah uga soo qeyb gashay Faa’isa Barre oo deggan magaalada Bristol, Faa’isa ayaa u ololaysa arimaha dumarka iyo dhallaanka, iyadoona wax weyn ka qabatay sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo isku xirnaanta hooyooyinka Soomaaliyeed. Waxay tilmaantay iney muhiim tahay in hooyada ay noqoto mid waxbaratay si ay mustaqbalka ula socoto heerka waxbarasho ee caruurteeda.


Munaasabadda waxaa abaal marino lagu guddoonsiiyay shakhsiyaad Soomaalida Ireland ay aqoosadeen waxtarkooda, sida culimada xarumaha lagu barto quraanka dalka Ireland. Sidoo kale waxaa munaasabadda abaal marino kala duwan lagu guddoonsiiyay dhalilnyaro orod yahano ah oo kaalin wanaagsan ka galay dalka Ireland. Waxaa abaal marinta guddoonsiiyay Gerry Northen oo ahaa macalinkii mid kamida orodyahanada Soomaalida ee dalka Ireland.

Waxaa iyagana sidoo kale la aqoonsaday shakhsiyaad si weyn wax uga qabtay arimaha bulshada Soomaalida ku nool wadankaas. Waxaa la bogaadiyay sida ay shakhsiyaadkaas u muujiyeen karti, dadaal farabadan taasoo sababtay iney kasbadaan inta badan taageerada Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Ireland.

Qeybtii dambe ee munaasabadda kooxda Dublin Star ayaa madasha kusoo bandhigtay riwaayad. Waxaana si farshaxanimo leh ay riwaayaddan usoo bandhigtay sida ay muhiim u tahay xiriirka iyo iska warhaynta ardayga iyo waalidka. Saxaradiid ayaa isaguna madasha kasoo jeediyay gabay waano iyo wacyi-celin ah oo u kula hadlayay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dadkii kasoo qeyb gallay munaasabadda ayaa mahad ballaaran u jeediyay dhamaan qaban qaabiyaashii isku soo dubariday qaban-qaabada munaasabadda, Sidoo kale waxaa Iyana la bogaadiyay Jamal Aadan Goodir iyo Warfaa Jamac oo kamid Soomaalida ku ganacsata dalka Ireland kuwaasoo gacan weyn ka geystay qabasahada xafladda.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada