Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Gaas oo sheegay iney diidanyihiin Qodobada qaar ay ku heshiiyeen DFS Iyo Somaliland.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Gaas oo sheegay iney diidanyihiin Qodobada qaar ay ku heshiiyeen DFS Iyo Somaliland.

daajis.com:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay iney ka Puntland ahaan diidan yihiin qodobada qaar ee lagu heshiiyey dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Gaas oo wareysi gaar ah siiyey VOA laanteeda Soomaaliga ayaa sheegay iney si qoto dheer uga war qabin arrimaha ay ka wadahadleen labada dhinac balse ay arkeen qodobada lixda ah ee shirka kasoo baxay.

………””’Dabcan anagu waxaan aragnay waxa weeye heshiiska lixda qodob ee kasoo baxay dee hoos ahaan waxa lagu wadahadlay iyo faahfaahinta kolay anigu kama warqabo……””ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay iney diidanyihiin gaar ahaan maamumilda hawada Soomaaliya ayna ka qabaan dacwad isla markaana waxa uu tilmaamay in barnaamijka hawada uu soo bilaabay wakhtigii uu wasiirka qorsheynta ka ahaa dawlada Soomaaliya.

……….””Qodobkaas horta Puntland hadaan nahay dacwaan ka qabnaa runtii sababtu waxa weeye barnaamijkan hawada aniga ayaa bilaabay markaan ahaa wasiirka qorsheynta 2010 bilowgeedii 2011 bishii May ayaa wasiiradu isugu tageen anoo dawlada federaalka matalaya Nairobi ……””ayuu yiri

Sidoo kale,wuxuu tilmaamay in uu la yaabanyahay in heshiiska labada dhinac ay qeyb ka ahayd Puntland balse ay isku koobeen Dawlada federaalka ah iyo maamulka Somaliland taasina ay tahay mid ay dacwad ka qabaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in marka laga hadlaayo masiirka Ummada Soomaaliyeed aysan isku koobi karin Dawlada federaalka iyo Somaliland balse ay tahay in Puntland qeyb ka noqoto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada