Dowladda Itoobiya oo sheegtay ciidan ka socda inay tagi doonan Kismaayo si ay u badalaan kuwii ka baxay ee Sierra Leone

Dowladda Itoobiya oo sheegtay ciidan ka socda inay tagi doonan Kismaayo si ay u badalaan kuwii ka baxay ee Sierra Leone

daajis.com:- Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday ciidan ka socda in dhawaan loo soo daabuli doono gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya,waxaana ay ciidanka badal u noqon doonan ciidamada dowlada Sierra Leone oo ka tagaya Soomaaliya sanadka cusub, kaddib markii dalkooda laga helay cudurka Ebola, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya,Hailemariam Desalegn.

“Haddii uu yimaado codsi dhanka Miwowga Africa ah, dowlada Itoobiya diyaar ayay u tahay inay badasho ciidamada ka baxaya Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya,Hailemariam Desalegn, oo saxaafada kula hadlay caasimada Addis Ababa.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee gobollada Jubbooyinka ayaa horay u sheegay ciidanka ka tagaya gobollada uu maamullo bilowga sannadka cusub inay badali doonan ciidamo dheerad ah oo ay dowladda Itoobiya keeni doonto Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada dowlada Sierra Leone ayaa maalin ka hor sheegay in bisha Janaayo ee soo socota ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, maadaama ciidamadooda aan isbedel lagu sameyn Karin sabab la xiriira cudurka Ebola oo dalkaasi dad badan ku dilay.

Dalka ku yaalla galbeedka Africa ee Sierra Leone ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga 850 askari, kuwaasi oo loosoo diray inay qeyb ka noqdaan howlgalka midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM.

Inka badan 7,000 oo ruux ayaa la sheegay in cudurka Ebola uu ku dilay galbeedka qaarada Africa wadamada ku yaala, waxayna badankood ku noolaayeen dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

Itoobiya waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo lagu qiyaasay 4,400 oo askari kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galka ay taageerayaan Qaramada Midoobay iyo reer galbeedka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada