Dastuurka Soomaaliya oo la qabyo tirayo ka hor sannadka 2016

Dastuurka Soomaaliya oo la qabyo tirayo ka hor sannadka 2016

daajis.com:- Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dastuurka ayaa sheegay muddo sannad ah in lugu dhameystiri doono dastuurka dalka oo qabyo ah,sida waxaa sheegay xildhibaan,Yaasiin Cabdi Seed oo ka tirsan guddiga dastuurka ee baalrmaanka.

Xildhibaanku waxuu sheegay inay socdaan dadaallo ay ku doonayaan dib-u- eegista dastuurka inay dhammeeyaan ka hor sannadka 2016 oo la filayo Soomaaliya markii ugu horreeysay doorasho shacabku ay codkooda dhiibanayaan inay ka dhacdo.

Dhawaan waxaa billaabanaya dib u eegista cutubyada dastuurka qaarkood, kuwaas oo bud-dhig u ah qabashada howlo badan oo muhiim u ah in doorasho ay ka dhacdo waddanka,”ayuu yiri xildhibaan Seed oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in sharciga axzaabta, dhismaha maamul-goboleedyada iyo dhammaytirka guddiyada madaxa bannaan ay yihiin kuwo aasaas u ah hiigsiga 2016-ka.


Sharciyo badan oo xiriir toos ah la leh doorashooyinka iyo dhammaystirka dastuurka ayaa horyaalla baarlamaanka federaalka ah, sidoo kale waxaa shaqo bilaabay guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka oo wada shaqeyn wanaagsan la leh guddiga dastuurka ee baarlamaanka iyo wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda.

Qaramada Midoobay iyo dalalka taageera Soomaaliya ayaa qorsheynaya sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa doorasho ay shacabku codkooda ku dooran doonan hoggaamiyaha dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada