QIIMEEYNTA:- 10-ka Wadan Ee Africa Ugu Taajirsan 2014

QIIMEEYNTA:- 10-ka Wadan Ee Africa Ugu Taajirsan 2014

daajis.com:-Cilmi -baaris uu sameeyay Machadka Legatum oo la soo saaray toddobaadkii la soo dhaafay ayaa daraasad lagu sameeyay 38 dal oo ka tirsan qaaradda Afrika, ayadoo la qiimeeyay sida dalal Afrika u kala qanisan yihiin, waxaana daraasadda lagu qiimeeyay dhinacyo badan oo nolosha la xiriira sida dhaqaalaha, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in dalka Botswana uu yahay dalka ugu barwaaqada badan qaaradda Afrika. Dalkan wuxuu miisaaniyad weyn ku bixiyaa dhinaca waxbarashada, taasina waxay 8% ka tahay dhammaan kharashka ay dowladdu bixiso. Dalka Bostwana sanadkii 3aad yuu kaalinta 1aad ku guuleystay.

Liiska waxaa u badan dalalka Galbeedka Afrika, waxaana Bariga Afrika kaga jira dalka Rwanda oo kaliya. Rwanda sanadkii 1994kii waxaa ka dhacay xasuuq ballaaran, hase yeeshee waxay kaga soo kabteen iyagoo helay hoggaan wanaagsan.

Guud ahaan 10ka dal ee ugu barwaaqeysan waxay kala yihiin:

1. Botswana

2. Koonfur Afrika

3. Marooko

4. Namibiya

5. Tunuusiya

6. Aljeeriya

7. Ghana

8. Rwanda

9. Burkina Faso

10. Senegal


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada