Daawo Muuqaal:- Madax kala shakisan Oo shalay ku kulmay Kismaayo. Sawir muujanaya

Daawo Muuqaal:- Madax kala shakisan Oo shalay ku kulmay Kismaayo. Sawir muujanaya

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay safar aan horey loo sii shaacin ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha waxaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada Dowlada Federaalka iyo Jubaaland.Soo dhoweyn kaddib, Madaxweynuhu uma gudbin gudaha magaalada wuxuuse garoonka dhexdiisa kula shiray madaxa iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Jubaland, wuxuu sidoo kale halkaas kula kulmay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM.

Sida ay xog cusub sheegeyso, ujeedooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh Kismaayo u tegey ayaa ahaa laba qodob.


Ujeedka koobaad ee safarka wuxuu salka ku hayey magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaliya Cumar Cabdirashiid, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo maamulka Jubba oo isagu u ololeynayey in lasoo magacaabo Xuseen Cabdi Xalane.

Kulankii ka dhacay garoonka Kismaayo oo warbaahintu dibadda ka joogtey ayaa intiisa badan ahaa mid madaxda Jubbaland looga dhaadhicinayey sababihii kallifay in Cumar Cabdirashid loo doorto Ra’sul Wasaraha Soomaliya.



Ujeedka labaad ee Madaxweynuha Kismaayo u tegey ayaa ahaa sidii uu uga qayb geli lahaa xaflad lagu sagootinayey ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM oo iyagu dhowaan dalkooda hooyo dib ugu noqon doona.


Maaalmo kahor Kismaayo waxaa ka dhacay dabbaaldeg iyo rasaar fara badan oo  laga ridey xarumaha maamulka iyo saldhigyada ciidanka ee ku yaal Kismaayo, kaddib markii uu soo baxay war markii dambe beenoobay oo ahaa in Xuseen Xalane ra’isal wasaare loosoo magacaabay.


Maamulka Jubbaland ayaan ilaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin magacaabista Cumar Cabdirashiid arintaasoo loo fasirtay inaysan raali ka ahayn. Wafidga Xasan Sheekh ayaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada