R/wasaaraha Soomaaliya oo maanta hortagaya Baarlamaanka isna difaacaya

R/wasaaraha Soomaaliya oo maanta hortagaya Baarlamaanka isna difaacaya

daajis.com:-  Sida uu qorshaha yahay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka doodi doonaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada C/wali sheikh Axmed. 

Waxaa lagu wadaaa inuu ra’iisal wasaare C/wali hor tago Baarlamaanka si uu isku difaaco.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maalintii talaadada ka hor sheegay xildhibaanada Baarlamaanka in ra’iisal wasaaraha hor yimaado isna difaaco,waxaase xusuus mudan in ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Ee Saacid aan firsadaan loo ogolaan.

Marka maanta laaga dodo mooshinka ayaa la balansan yahay in dib la isugu soo laabto maalinta sabtida ee codka kalsoonida loo qaadayo xukuumada C/wali Sheikh oo hada muran badan uu ku furan yahay.


Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha ayaa cirka isku sii shareeraya,wixii ka danbeeyay mudo bil laga joogo oo khilaafkaan uu soo shaax baxay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada