Sirdoonka mareykanka(cia):wax saameyn ah ma sameynin dilalkii an ku fulinay hogaamiyayaaasha dhaaliban

Sirdoonka mareykanka(cia):wax saameyn ah ma sameynin dilalkii an ku fulinay hogaamiyayaaasha dhaaliban

daajis.com:-Warbixin ay soo saartay xarunta dhexe ee sirdoonka Mareykanka oo loo soo gaabiyo CIA ayaa lagu sheegay in wax saameyn ah aysan ku yeelan xarakada jihaadiga ah ee DHAALIBAAN beegsashada Mareykanka iyo xulafadiisa la beegsadeen hogaamiyayaal muhiim u ahaa Dhaalibaan.

Weeraro ay fuliyeen diyaardaha an duuliyaha wadin ee Mareykanka ayaa lagu dilay hogaamiyayaal dhoor ah oo ka tirsanaa mujaahdiinta Dhaalibaan,iyada oo uu qorshaha CIA-da u ahaa in ay kala daataan oo ay burburaan.

Warbixintaan oo ay faafisay Shabakadda ku caan baxday faafinta siraha qarsoon ee Mareykanka loona yaqaan WIKILEEAKS ayaa lagu sheegay in Dhaalibaan ay yihiin xaraka ka xoog badan in ay u burburaan hogaamiye ama rag muhiim ah oo la beegsaday u fashilmaan, waxa ayna warbixinta ku dartay in Dhaaliban si degdeg ah u helaan hogaamiye badali karin midka la beegsaday.

Warbixinta ayaa sheegtay in weeraradii ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ay kordhiyeen taageerada shacabka ay u hayaan Dhaalibaan,sidoo kale waxaa ay kordhisay muraalka mujaahdiinta kale ee Dhaalibaan iyaga oo ka dhaxlay in ay ku adkaadaan jihaadka ay uga soo horjeedaan shihseeyaha kusoo duulay dalka Afqaanistaan.

Fashalka Mareykanka iyo xulafadiisa ee  maalinba maalinta ka dambeysay soo ifbaxaya ayaa muujinaya guusha ay gaareen Dhaalibaan, Dhaalibaan ayaa ka run sheegay hadafkooda ah in ay xoreeyaan dalkoodana lana jihaadaan Shisheeyaha gardarada kusoo galay dalkooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada