Daawo:- Madaxweynaha Kenya oo Saxiixay Sharcigii Muranka iyo is qab-qabsiga ka Dhaliyay Baarlamaanka

Daawo:- Madaxweynaha Kenya oo Saxiixay Sharcigii Muranka iyo is qab-qabsiga ka Dhaliyay Baarlamaanka

daajis.com:- Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta saxiixay sharciga cusub ee ammaanka Kenya, sharcigan ayaa waxbadan ka badali doono xagga amniga ee dalka Kenya. 


Sharcigan cusub ee ammaanka dalka Kenya ayaa waxaa arragtiyo kala duwan ay ka muujiyeen dadka Kenyanka ah iyo ururada bulshada rayidka ah ee dalka.


Madaxweynaha ayaa markii uu saxiixay Sharcigaasi muranka dhaliyay waxa uu warbaahinta u sheegay in sharcigaan uusan ku xad-gudbeyn Xaquuqda Aadanaha ama Dastuurka u yaallo Kenya, balse loogu talo galay in lagu adkeyo ammaanka dadka Kenyanka ah, gaar ahaan in looga hor-taga falalka aragagaxisada iyo noocyada kale ee dambiyada ah ee ka dhaca dalka.

“Dhammaan shacabka ka walaacsan sharcigan ee Kenyanka ah iyo kuwa daneeyo arrimaha Kenya-ba waxaan u sheegayaa; in sameyn uunan ku yeelan doonin sharcigaan ay ansixiyeen Baarlamaanka ee la xiriiro ammaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru.




Madaxweyne Uhuru ayaa ugu baaqay shacabka Kenya in ay waqti ku bixiyaan oo ay akhriyaan sharcigaan cusub oo uu shalay meel mariyay baarlamaanka dalka Kenya.

“ujeeddada ugu weyn ee sharcigaan laga doonaayo waxey tahay oo kaliya in lagu ilaaliyo nolosha iyo hantida dhamaan muwaadiniinta Kenyaanka ah”Ayuu sii raaciyay madaxweynaha.

Madaxweyne Uhuru ayaa uga mahad ceiyay baarlamaanka ansaxinta sharciga ammaanka dalka oo is-bedel lagu sameeyay.

Sharcigan cusub ee ammaanka dalka Kenya oo uu soo diyaariyeen Gudi-hoosaadka amniga ee Baarlamaanka Kenya ayaa shalay lagu meel mariyay kulankii Baarlamaanka,kaasi oo uu buuq hareeyay.

Sharcigan cusub ee ammaanka dalka Kenya oo uu maanta sixiixay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa si cad uga soo horjeestay xisbiga mucaaradka dalka Kenya ee CORD, Qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Muslimiinta iyo Ururrada Bulshada rayidka ah.iyadoo sidoo kale ay dhaleeceeyay sharcigan cusub Hay’adaha Xaquuqul Aadanaha ee Human Rights Watch iyo Amnesty International.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada