VIDEO:- Faysal Cali Waraabe: Waanu soo dhaweynaynaa Shirka Wadahadaladda Jabuuti

VIDEO:- Faysal Cali Waraabe: Waanu soo dhaweynaynaa Shirka Wadahadaladda Jabuuti

daajis.com:- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti ka socda Maanta, waxa uu sidoo kale Xukumadda ku dhaliilay talaabada ay Mucaaradka ugu dari wayday wada hadalka iyo sidoo kale xogta shirka oo ay qarisay.

“Jabuuti IGAD ayay ka mid tahay, anigu inbadan ayaan lahaa arimaheenu waxay ka bilaamaan IGAD, waxayna ku dhamaadaan Qaramada midoobay, waxaanan u arkaa wadadii habonayd, Ismaciil Cumar Geele arintan ayaad ayuu uga war hayaa, maalintii dhawayd ee aan Jabuuti gaarayna, waan ku booriyay inuu arintan gacanta ku dhigo. Waan soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay guul la taaban karo kala yimaadaan” ayuu yiri Eng Faysal.


Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inay ahayd in Xukumaddu Mucaaradka ku darto Wada hadalka, sidoo kalena ka talo galiso Qorshaha Xukumaddu la tagayso “Wada hadalada Somaliland iyo Somalia waa arin Qaran, oo wa tii lagu bilaabay,Aniguna waxaan ka mid ahaa raggii bilaabay,wa kuwii haddana bishii july naga saaray, arimahani waa arimo Qaran oo la wada leeyahay, haddii ay xukumadddu naga reebtay wada hadalada Somalia waxay ahayd in bal markay ay tagayso inay na soo wargaliso, oo xiliga ay tagayso noo sheegto, oo waxay la tagayaan noo sheegto.

Marka waxaan ku boorinaynaa in madaxda qaranka ay ka waramaan wixii lagu wada hadlay iyo qolo walba waxay la shirka la yimaadeen” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada