VIDEO:- War murtiyeed laga soo saaray wada hadalkii Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland

VIDEO:- War murtiyeed laga soo saaray wada hadalkii Dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland

daajis.com:- War murtiyeed laga soo saaray wada hadalkii maanta ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, kadib markii shalay ay ku kulmeen magaalada Jabuuti.

Wada hadalada oo ahaa shalay mid horu dhac ay ayaa labada dhinac maanta waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeya 25-26 bisha Febraayo ee sanadka soo socda 2015, laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyay in arrimaha siyaasada ee masiiriga ah in lagu dheeraado, lana furliyo waxyaabihii horay loogu heshiiyay, isla markaana laga dhowrsado wixii wada hadalada carqalad gelin karo.



Waxaa kaloo labada dhinac ay ku heshiiyeen in aan la siyaasadeyn deeqaha bani’aadanimada iyo mashaariicda dib u dhiska ah, lana dhiira geliyo.

Qodobada kale ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada, isla markaana la sameeyo gudiyadii farsamada ahaa, waxaa sidoo kale qodobada ku jiray in labada dhinac ay isla gartaan in wada hadaladooda laga qeyb geliyo wadamada saaxibada la ah.

In wada hadalada xiga ay dhacaan 26-27-ka ee bisha February ee sanadka soo socda laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si arrimahaan loo sii ambaqaado.

War murtiyeedkan oo laga soo saaray xafiiska Madaxtooyada Jabuuti ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland ku casuumay jabuuti, si ay uga wada hadlaan arrimaha ka wada dhaxeeya labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa in isla maanta ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho iyo Hargeysa, waxaana labada dhinac kala wehlinayay Wafuud kala duwan oo heer Wasiir iyo La taliyeyaal ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada