Ciidamada ilaalada “Muungaab” iyo kuwo Nabad Sugidda oo xalay ku dagaalamay Muqdisho

Ciidamada ilaalada “Muungaab” iyo kuwo Nabad Sugidda oo xalay ku dagaalamay Muqdisho

daajis.com:- Ciidamada Ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Xalay ku dagaalamay Degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xeebta liido.

Wararka ayaa sheegaya in Iska hor imaadka uu yimid kadib markii Labada Ciidan ay kala Shakiyeen,kuwaas oo kala Shakiga Dartiis u Dagaalamay.

Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa ku Dhintay Isku Dhaca,iyadoona ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex kale oo Labo kamid ah ay yihiin Ilaalada Gudoomiyah Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inoo Xaqiijiyay Iska Hor imaadka Xalay dhex maray Ciidamada Nabad Sugida iyo Ilaalada Gudoomiye Muungaab.

Hase ahaatee ma ahan wax Cusub in Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ay ku dagaalamaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Dalka.

Arintaan ayaa keenta isku dhaca sidan oo kale ah, iyadoo ciidamadu aysan lahayn astaan ay isku gartaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada