War Deg Deg:- Kooxo hubeysan oo Xildhibaan baarlamaanka ka tirsan dhaawacay, xildhibaan horena dilay

War Deg Deg:- Kooxo hubeysan oo Xildhibaan baarlamaanka ka tirsan dhaawacay, xildhibaan horena dilay

daajis.com:- Saakay ayaa Kooxo hubeysan oo gaari wadatay waxay rasaas la beegsadeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Mayow Mustaf, waxaana weerarkaasi kasoo gaaray dhaawac halka Sedax qof kale oo la socotay ay ku geeriyoodeen rasaasta lala beegsaday.


Weerarkaan oo ka dhacay degmada Xamar Weyne ayaa la sheegay in Sedaxda ruux ee geeriyooday uu ka mid ahaa xildhibaan hore ugu tirssanaa Baarlamaankii KMG, kaasoo lagu magacaabi jiray Liibaan C/llaahi Nuur.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in Xildhibaanka iyo ruux kale oo dhaawac qabay ay u qaadeen Isbitaalka.

“Markii ay rasaasta dhacday durbadiiba waa ku soo baxnay afar ruux oo mid Xildhibaan uu ahaa ayaa waxaa weeraray kooxo gaari wadatay, waxaa goobta ka qaadnay xildhibaanka iyo ruux kale oo dhaawac ahaa”ayuu yiri Gudoomiyaha Xamar weyne.


Waxaa uu sheegay in sidoo kale weerarkaas uu ku dhintay nin horay Xildhibaan u ahaan jiray oo lagu magacaabi jiray Liibaan C/llaahi Nuur, kaasoo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa.

Kooxihii hubeysnaa ayaa la sheegay inay gaarigii ay wateen ku baxsadeen, waxaana daba ceyrsaday ciidan kale oo goobta ka ag dhowaa, kuwaasoo rasaas ku furay sida ay dad goob joogayaal ay sheegeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada