Wasaarada haweenka oo albaabada la isugu dhuftay & dukumiintiyo la xaday

Wasaarada haweenka oo albaabada la isugu dhuftay & dukumiintiyo la xaday

daajis.com:-  Khadiijo Maxamed Diriye oo xiligaani ah sii hayaha Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha, ayaa ka shanqarisay inay Albaabada isugu dhufatay gabi ahaan Xarunta weyn ee Wasaarada.

Khadiijo Maxamed Diriye oo shir jaraa’id ku qabatay Xarunteeda ka hor inta aysan xirin, ayaa waxa ay sheegtay in sababtu tahay in ilaa iyo iminka uu wali ka xiran yahay Agaasimaha Wasaarada Maxamed Cumar, islamarkaasina ay socoto hawl loogu xadgudbayo Dukumiintiyadii wasaaradda iyada la xadayo waraaqaha sirta ah, saxiixa iyo waliba tiimbaraha wasaaradda, si beey tiri loo xoojiyo dacwadda loo heysto agaasimaha iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda, sida ay warka u dhigtay.

Waxa ay Shirkeeda Jaraa’id ku sheegtay in waxaasi oo idil uu ka dambeeyo xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Daahir oo ay ku sheegtay inuu yahay shaqsiga sida gaarka ah uu ugu xiran yahay Agaasimaha sabab la’aan.

Waxa ay mar kale ku eedeeysan in Xeer ilaaliyaha uusan marin wadadii sharciga ahayd, walina diidanyahay in uun soo bandhigo galkii dacwadda lagu heystey agaasimaha.

Iyada oo ka hadleysay Xariga Mas’uulka ayaa waxa ay tiri ”La taliyaha xagga sharciga ee wasaaradda Baarliin Maxamed Cadami ayaa soo damiinatay agaasimaha, waxaa kale oo ay u qabatay qareen u dooda, balse qareenada waxa ay codsadeen in la siiyo galka dacwadda oo illaa hadda la diidanyahay in nala tusiyo”

Waxa ay intaa raacisay Khadiijo in aysan diidanayn in baaris la sameeyo, balse kaliya ay diidanyihiin wax ay ku tilmaamtay cago jugleyn iyo ku xad gudub xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale waxa ay sheegtey in shalay oo ay aheyd Arboco ay wasaaradda albaabada isugu dhufatay islamarkaana qaadatay Furayaasha Xafiisyada maadama ay tiri la xadaayo warqadaha Sirta iyo tiimbarayaasha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada