weerar Qarax - oo Ciidamada AMISOM lagula Eegtay Magaalada Marko.

weerar Qarax - oo Ciidamada AMISOM lagula Eegtay Magaalada Marko.

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM hal qof oo rayid ah ay ku dileen saddex kalana ay ku dhaawacmeen halkaasi kadib markii Bam Gacameed lagu weeraray Ciidamada AMISOM.

Goob jooge kusugan marka ayaa sheegay in dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay qeyb ka ahaayeen shaqsiyaad ay Ciidamada AMISOM soo qabteen kadib markii Bam lagu tuuray iyagoona bartmaha Magaalada ku toogtay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah dil iyo dhaawac ugu geystaan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose iyadoo dhowr mar oo hore Ciidamada AMISOM ay dileen shacab waxaana muuqaneysa isfahan daro ka dhax jirta labada dhinac.


Taliska Ciidamada Amisom kama aysan hadlin dhacdadani Maanta Ka Dhacday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada