Daawo Muuqaal:- ahaan: Askari ka tirsan Marineeska Mareykanka oo si xun u jir dilay Taksiile Soomaali ah!

Daawo Muuqaal:- ahaan: Askari ka tirsan Marineeska Mareykanka oo si xun u jir dilay Taksiile Soomaali ah!

daajis.com:- Taksiile Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadan Gacal oo 34 sano jir ayaa si xun loogu jirdilay magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalkaas Mareykanka, Ninkaan Taksiilaha ah ayaa waxaa la sheegay inuu saqdii dhexe ee habeenkii uu soo qaaday 3 nin iyo qof haween ah iyadoona markii ay goobtii ay rabeen uu geeyey uu mid ka mid ah rakaabkaas uu u dhiibay kaarkiis Bankiga si uu u bixiyo lacagtii lagu soo qaaday, Laakiin ninkaas ayaa waxaa uu ka carooday ka dib markii uu taksiilaha Soomaaliga uu ka daahiyey inuu dib ugu celiyo kaarkiisa oo ku mashquulsanaa inuu lacagtaas kala baxo.

Ninkakaarka lahaa ee lasoo qaaday ayaa bilaabay inuu aflagaadeeyo taksiilaha Soomaaliga ah oo uu ku sheegay inuu yahay qaxooti xun dhulkiisiina aysan ahayn halka uu joogo asagoo sidoo kalena ku eedeyey inuu yahay argagaxiso oo taageero jabhada ISIS, intaas ka dibna ayuu ninkaas waxaa uu ku qaaday weerar gacan ka hadal iyadoona uu ninkii Soomaaliga oo si xun loo jirdilay uu halkaas ku miyir beelay.



Ninkaas Soomaaliga ah oo markii la gaaracay halkaas uu ku suuxay ayna u soo gurmadeen dad ka dhawaan agagaarkaas oo islamarkaana ay ku wargaliyeen booliiska, shilkaas dhacay ayaa waxay booliisku ay falkaas u soo qabteen nin lagu magacaabo Jesse Fleming oo 26 sano jir ah oo ka tirsan ciidamada Marineeska ee dalkaas Mareykanka, afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magcaabo Andrew Garber waxaa uu sheegay in falka uu ninkaas ku kacay uu yahay fal ku dhisan isir naceyb, Taksiilaha Soomaaliga ah oo wixii ka dambeeyey shilkaas gurigiisa iska jooga ayaa waxaa uu shegay inay arintaas a saameyn weyn ku reebtay noloshiisa asagoo sidoo kale ku calaacalay inuusan waligiis cidna wax yeelin Laakiin asaga mar qura weerar culus oo naftiisa qatar weyn galiyey lagu soo qaaday .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada