VIDEO:- Magaalada Kobani oo dhulka la dhigay & Dumarka ku nool oo Saraakiil isku badalay !!

VIDEO:- Magaalada Kobani oo dhulka la dhigay & Dumarka ku nool oo Saraakiil isku badalay !!

daajis.com:- Magaalada Kobani oo ku taal waqooyiga dalka Siiriya ayaa waxaa ku dhawaad mudo 2 bilood ah ka socda dagaal faraha looga gubtay kaas oo u dhaxeeya Qoowmiyada Kurdiga oo degta magaaladaan iyo xoogaga ururka Daacish oo doonaya inay gebi ahaanba la wareegaan magaaladaan oo Istiraaji ah kuna taal xuduudaha dalalka Turkiga iyo Siiriya .

Dagaalyahanada Daacish ayaa magaaladaan banaanka ka jooga waxeeyna inta badan ka soo galaan 2 xaafadood oo ay habeenkii soo galaan maalintiina banaanka uga baxaan maadaama Diyaaradaha dagaalka wadamo badan oo is baheeystay ay duqeenayaan xaafadaha Daacish lagu tabayo .



Guud ahaan magaalada Kobani oo loo yaqaan (Ain Al Arab) ayaa waxa ay noqotay mid burburtay oo inta badan dhulka la la simay , waxaana hubka qaatay dadka ku harsan deegaankaan oo qaarkood Dumar yihiin kuwaas oo warbaahinta Caalamka laga daawaday iyaga oo saraakiil dagaal isku badalay ka dib markii ay u adkeesan waayeen weerarada joogtada ah . 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada