Daawo Muuqaal:- Kooxo Burcad ah oo Dhaawac ugu Geestay Dalka Canada Ganacsade Soomaaliyeed oo Caan ah

Daawo Muuqaal:- Kooxo Burcad ah oo Dhaawac ugu Geestay Dalka Canada Ganacsade Soomaaliyeed oo Caan ah

daajis.com:- Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed oo ku nool magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa kooxo hubeysan oo dhac u geysanaayey goobtiisa ganacsi waxa ay u geesteen dhaawac xun kadib markii ay rasaas ku fureen.

Burcadan oo wajiga soo duubatey laguna sheegay inay ahaayeen ilaa iyo 2 qofood ayaa waxay weerar ku qaadeen xarunta ganacsi ee ninkaas Soomaaliga lahaa , iyadoona ay dhac ka geysteen halkaas ka dibna ay dhaawaceen ninkaas oo ayna goobtaas ka baxsadeen tuugadaas .



Ugu dambeyntiina iyadoo ganacsadahaas Soomaaliyeed lagu dhaawacay halkaas islamarkjaana ay booliiska dalkaas Canada ay baadigoob xoogan ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dableydii geysatey falkaas, ayaa qaar ka mid ah dadka ganacsiga ku leh goobtaas waxay sheegeen inay mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku soo badanayeen goobtaas burcad dhac ka geysanayso goobaha ganacsi ee ku yaala degaankaas oo ah goob ay ganacsi badan ku leeyihiin dad badan muhaajiriin ah, Qaar ka mid ganacsatada goobtaas ayaa waxay sheegeen inay u baahan yihiin inay is difaacaan oo loo ogolaado arintaas maadaama ay mar walba aysan wax ka sugi karin booliiska dalka Canada oo ay ku eedeeyeen inay mar walba ay goobtaas soo gaaraan mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen islamarkaana aysan waxba ka qaban kiisas hore oo ka dhacay goobahaas

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada