XASAASI: 3 Wasiir Oo Ka Tirsanaa Xukuumadii C/Wali Oo Laga Faafiyay Sharaf Dhac Ah. SABAB

XASAASI: 3 Wasiir Oo Ka Tirsanaa Xukuumadii C/Wali Oo Laga Faafiyay Sharaf Dhac Ah. SABAB

daajis.com:-Qaar ka mida Golaha Wasiirada ee Sii Haya xilka ayaa la sheegay inay ku socdaan baaritaano ka horeeyay xiisadii siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha iyo waliba mooshinkii ka danbeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya kalsoonida kagala noqday xukuumada.

Wasiiradan ayaa la tuhunsan yahay inay ku takri faleen hanti Qaran, waxay qaarkood baaritaankoodu marayaa gabagabo, halka qaarka kale eedeyntoodu bilow tahay, waxayna wararku sheegayaan in isla marka ay xilka wareejiyaan kadib dhismaha xukuumadda cusub lagu wado in la xiro ama lagu soo oogo dacwadaha loo heysto.

Arrintan oo noqon doonta tijaabadii ugu horeysay sida dowladda Federaalka ah ay sharciga ugu hogaansan tahay ayaa dad badan shaki ka qabaan iyagoo ku difaacaya shaqsiyaadka la heysto siyaabo kala duwan. Xubnaha golaha wasiirada ee baaritaanka ku socdo waxaa kamida:


Wasiirka Ganacsiga Aadan Maxamed Saransoor: Waxaa lagu heystaa dayactir xarun dowladeed oo lacag badan ku baxday, iyadoo ganacsadihii dhismaha ku lug lahaana la xiray. Waxaa kaloo wasiirkan loo heysaa kireyn hanti Qaran.
Wasiirka Gaadiidka: Saciid Jaamac Qorsheel: Waxaa isna la sheegay inuu ku lug leeyahay arrimo ay mid yihiin bixin qandaraas lagu sameeyay qeybta Gaadiidka Wasaaarada ee bixisa leysimada iyo taargooyinka iyo kiisas kale.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda: C/llaahi Maxamed Nuur: Ninkan oo booska wasiirada Maaliyadda gacanta ku hayay aadna ugu dhow Madaxweynaha waxaa la sheegay inay ku soo baxeen lacago badan oo aan la aqoon meel ay mareen. Hanti dhowrka ayaa wada baaritaanka, waxaase laga cabsi qabaa inuu kiiskan ka badbaado arrimo badan dartood.

Si kastaba ha ahaatee, hadii arrintaan ay ku dhaqaaqdo Dowlada Soomaaliya isla markaana ay Xabsiga dhigto masuulkii lagu helaa lunsasho Hanti Qaran waxey noqon doontaa mid sumcadeeda kor ugu kacdo kalsooni weyna ay ka heli doonto Shacabka Soomaaliyeed oo dhiigooda ay Madaxda dowladihii dalka soo maray iska jaqayeen

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada