Daawo:-Ururka daawooleyda oo deeq gar gaar daawo ah gaarsiiyay dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka

Daawo:-Ururka daawooleyda oo deeq gar gaar daawo ah gaarsiiyay dadka uu soo ritay xanuunka shuban biyoodka

daajis.com:- Ururka Daawoleyda Soomaaliyeed (Somida) ayaa deeq daawo ah gaarsiiyay saddex Isbitaal oo ay ku jiraan dadkii dhowaan uu sii ritay shuban biyoodka, kuwaasoo xaaladooda ay iminka soo hagaageyso.  Dadkan ayaa todobaadkii hore cabay biyo la sheegay inay wasaqeysnaayeen ayaa xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa Isbitaalada Banaadir, Carafaat iyo SOS.

Iiyadoo ururka Daawoleyda Soomaaliyeed uu gaarsiiyay daawooyin isugu jira faleebooyin, kaniiniyaal shubanka ka hortaga, daawooyinka Ors iyo kuwa kale oo jeermiska disha.  


Gudoomiye kuxigeenka Ururka Daawooleyda Soomaaliyeed Cali C/llaahi ( Cali Waraabe) ayaa sheegay in deeqdan daawo ugu tala galeen walaalahooda ku jira Isbitaalada ee la xanuunsanaya cudurka shuban biyoodka, wuxuuna ku wareejiyay Agaasimayaasha Isbitaalada Banaadir, Carafaat iyo SOS. 

 Waxaa uu sheegay in deeqdan aanay aheyn tii u horeysay ee ay Isbitaalada gaarsiiyaan ama gar gaar caafimaad u fidiyaan dadka dhibaateysan, waxaana uu xusay in horay xeryaha barakacayaasha ay u gaarsiiyeen daawooyin iyo howlo baaris lacag la’aan ah ay u sameeyeen dadka ku dhibaateysan xeryaha. 

Todobaadkii hore ayay aheyd markii dad cabay biyaha ceel ku yaal xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid uu soo ritay xanuuno ka dhashay shuban biyood, waxaana u geeriyooday in ka badan 10 ruux, halka boqolaal kale la dhigay Isbitaalada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada