Daawo Sawirada:- Ku Dhawaad 90- Arday oo lagu laayay Weerar Goordhaw lagu qaaday Iskuul kuyaala Dalka Pakistan

Daawo Sawirada:- Ku Dhawaad 90- Arday oo lagu laayay Weerar Goordhaw lagu qaaday Iskuul kuyaala Dalka Pakistan

daajis.com:-In ka badan 80-qof oo arday u badan ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Weerar Kooxo hubeesan oo katirsan Daalibaan ay ku galeen Iskuul ay Maamulaan Ciidamada Dalka Pakistaan, oo kuyaala Magaalada Peshawar ee Gobolka Pakhtunkhwa.

Weerarka Iskuulka lagu qaaday waxaa geestay lix nin oo hubeesan kuwaa oo soo xirtay Dareeska Ciidamada amaanka Pakistan, waxaana goob joogayaal ku waramayaan in raga hubeesan ay xoog ku galeen Iskuulka ayna halaasi ka bilaabeen toogasho iyo qaraxyo.

Ciidamada Dowlada Pakistan ayaa isku gadaamay xarunta la weeraray, waxaana wali gudaha Isuulka laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas ay ridayaan Xoogaga Hubeesan ee goordhaw xooga ku galay Iskuulka ay maamulaan Ciidamada Pakistan.

Dadka la dilay oo Arday u badan waxaa ku jira caruur aad u yar yar, waxana laga cabsi qabaa in dhimashada ay sii kororto maadama kooxda hubeesan ay wali gudaha ku jiraan, waxaana iskuulka la weeraray ku sugneed 500- oo isugu jira arday ,Macalimiin iyo dad kale oo shaqaale ah.

Afhayen u hadlay Taliban ayaa sheegay in weerarkaasi ay iyagu masuul ka yihiin uuna jawaab u yahay hawlgal a dhan ah kooxdooda uu millitarigu wado , Ciidamada Milatariga Pakistan ayaa howlgalo ay ka sameeyeen Waqooyiga Waziiristaan iyo iyo agagaarka Khyber waxa ay ku dileen boqolaal dagaalyahan oo katirsan Daalibaanka Pakistan ka dagaalama.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada