Dagaal Qaraar oo Maanta Ka Qarxay Deegaanka buufoow bacaad iyo Tuulooyin kale

Dagaal Qaraar oo Maanta Ka Qarxay Deegaanka buufoow bacaad iyo Tuulooyin kale

daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Marka Ee Xarunta gobolka shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal aad u culus uu saakay markii sadexaad ka qarxay duleedka magaaladaasi gaar ahaan degaanka buufoow bacaad oo hoostagta magaalda marka.


Dad kusugan magaalad marka ayaa inoo xaqiijiyey in lamaqlayo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is weydaar sanayaan iyadoon dagaalka uu sii xoogeysanayo  waa sida daka nala hadlay ay inoo xaqiijiyeen


dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeyaaa Laba maleshiyo beeleed oo wada dega gobolkaasi kuwaas oo bilihii u danbeeyay ay dagaalo ku dhax mareen degaanada gobolka shabellaha hoose.


Qasaaraha dagaalka kadhashay ayaan weli sirasmi ah loo hayn waxaasa warar horu dhac ah ay inoo shegyaan in dhimashada ay gaareyso ilaa iyo 5 maleshiyo oo kawada tirsan labada dhinac iyo dhaawac intaa kabadan

Saraakiisha ciidanka dowlada iyo maamulka gobolka shabeellaha hoose ayaan weli ka hadlin dagaalka sadexdii maalin ee ugu danbeeysay ka soconoya Tulooyin hoostaga Magaalada Marka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada