Daawo:- Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo shir jaraa’id qabatay Madaxtooyada

Daawo:- Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo shir jaraa’id qabatay Madaxtooyada

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabanaya Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kadib markii ay kulan qado ah wada qaateen.

Shirka jaraa’id ayay labada Madaxweyne kaga wada hadlayaan arrimo badan oo xiriirka labada dal quseeya, iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.

Sii hayaha wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiisyo kala duwan la saxiixday Wasiiro dhowr ah oo ka tirsan Dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiska kadib oo ku horeeyay shirka jaraa’id waxaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in saddex sano kadib inuu soo booqdo Madaxweynaha Turkiga Soomaaliya, isagoo xusay in farqi aad u weyn uu u dhaxeeyo sanadkii 2011 iyo xilligan.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiisyada ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya uu xoojinayo xiriirka labada dal, isagoo mar kale u mahad celiyay dowladda Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu mar kale soo booqdo Soomaaliya saddex sano kadib.

Mr Erdogan ayaa ka mahad celisay sida quruxda badan ee loo soo dhoweeyay, isagoo soo hadal qaaday mashaariicda Turkiga uu ka wado Soomaaliya uu sii xoojin doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu aad u faraxsan yahay in meelihii uu soo maray oo aad u dhismo iyo wadooyinkii bur bursanaa ee markii u imaanayay iyo hada ay aad u kala duwan yihiin, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inuu arko wadooyinka oo dhisan.

Waxaa uu sheegay in shirkada Turkish Airlines ay wixii ka dambeeyay hada ay maalin walba duulimaad ku imaaneyso magaalada Muqdisho, halka hortii todobaadkii ay ka imaan jirtay saddex maalin.

“Safaaradda aan ka dhisaneyno Muqdisho waxay ka mid noqoneysaa Safaaradaha Turkigu leeyahay kuwa ugu waaweyn ee Caalamka ku yaal, Waxaan ogahay safaaradaha qaar Muqdisho ku yaalla in ay container ku dhex shaqeynayaan, Shirarka aan wax natiijo ahi ka soo baxayn waxaa la qaatay in aan la qaban. Toban kun oo guri ayaan dhisi doonnaa 2 sano gudahood”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Dekeda Muqdisho ay dayactir ku sameyn doonaan, isla markaana ay xambaarsan tahay dhaqaale aad u muhiimsan oo shacabka Soomaaliyeed u soo xarooda.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada