Daawo Sawirada:- Shacabka Soomaaliya ee Ku Dhaqan Boosaaso oo Dhigay Dibad-bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo ee Faransiiska

Daawo Sawirada:- Shacabka Soomaaliya ee Ku Dhaqan Boosaaso oo Dhigay Dibad-bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo ee Faransiiska

daajis.com:-Dibad-bax ka dhan ah Wargeyskii aflagaadeeyey Charlie Hebdoee Charlie Hebdo ayaa maanta ka dhacay magaaladda Boosaaso.

Boqolaal dadweyne ah aya Isugu soo baxay Garoonka kubada Cagta ee magaaladda ,waxayna muujiyeen sida ay u garab Taaganyihiin Nabigeena Muxamed NNKH.

Dibad-baxa ayaa ,waxaa ka qeybqaatay qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso sida Culuma’udiinka,dhalinyarada,haween iyo ardey.

Bannaanbax (3)Dhammaan dadkaas ayaa ka mideysnaa sida ay u diidanyihiin in la aflagaadeeyo Diinteena Islaamka iyo Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaate.

Xubno kamid ah Culimada diinta iyo dhalinyaro ayaa dadweynihii ka qeybqaadanayey Dibad-baxa kula hadlay Boqolaal dadweyne ah Garoonka,waxayna sheegeen in Gaaladu joojiyaan aflagaadas.

Jaraa’idka kasoo baxa dalka Faransa ee Charlie Hebdo ayaa dibad-baxyo looga soo horjeedo ka dhaceen dalalka Islaamka oo ku aadan Sawir gacmeedyada aflagaadada ugu geysanayaan Nabigeena Muxamed NNKH.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada