daajis.com:-Wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhow si nabad ga dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, kadib saacado oo uu ku sugnaa magaalada Mqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo mas’uuliyiin ayaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo ay ka qaaday diyaaradii keentay oo ku sugeysay garoonka.
Turkiga iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis dhinacyo badan kooban, waxaana Soomaaliya saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibada C/raxmaan Ducaale Beyle, halka dhowr wasiir oo Turkiga ay heshiiska dhinac ka wada saxiixeen.
Madaxweyne Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa furay tarminalka cusub ee garoonka Adan Cadde, iyo isbitaalka Digfeer oo kamid ah mashruucyada uu Turkiga ka dhisayo magaalo madaxda Muqdisho.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan saddex sano iyo bar kadib soo booqdo magaalada Muqdisho, wadooyinkii bur bursanaa ee aan maray saddex sano ka hor maanta aad ayay u dhisan yihiin, aad ayaa gu faraxsanahay”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu qabteen Xarunta Madaxtooyada.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan Soomaaliya, isagoo xusay in Dekeda Muqdisho ay ballaarin doonaan, isla markaana ay keenayaan qalab casri oo maraakiibta looga dajiyo Konteenarada.
Erdogan ayaa sheegay in mashaariicdan ay astaan u yihiin xiriirka iyo walaaltinimada qotada dheer ee labada dal, Turkigana uu ogsoon yahay in dalkan ay ka jiraan baahiyo bulsho oo caafimaadku kow ka yahay.
Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in safaarada ay ka dhisanayaan Soomaaliya ay noqon doonto sida safaaradaha ugu waa weyn oo caalamka ku yaal, isagoo ku dhaliilay in dalalka Safaaradaha ku leh Muqdisho in dhismahooda kaliya yihiin Konteenaro.
Waxaa uu sheegay in diyaarada Turkish Airways ay maalin walba duulimaad ku imaan doonto magaalada Muqdisho, halka isbuucii ay afar jeer timaado,
Madaxweyne Erdogan ayaa markii labaad soo booqday Soomaaliya, kadib sanadkii 2011 oo uu noqday Hogaamiyihii u horeeyay ee aan Afrikan aheyn uguna sareeyay oo Soomaaliya yimaada muddo 20-sano.
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu xardhay calaamada Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sawirrada labada madaxweyne, iyada oo la xadiday dhaq dhaqaaqa wadooyinka muhiimka ah.
Wixii ka dambeeyay socdaalkii ugu horreeyay ee uu Erdogan ku tagay Soomaaliya, waxaa sii xoogeystay xiriirka labada dal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:05 and have
, Published at