daajis.com:-Ninkan aad qaybo ka mida Jirkiisa arkaysaan waxa uu ahaa Dhagarqabihii Shalay Naftiisa qaribay ee isku qarxiyay Hoteelka SYL isagoo wata Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, Waxaana Ninkan Magaciisa la yiraahdaa Maxamuud Cismaan Jimcaale "Dhageey"
Maxamuud wuxuu u dhashay Qabiilka Hawiye gaar ahaan Habargidir,Sacad,Bahweyn.wuxuuna ku tegay dalka switzerland gaar ahaan Magaaladda Geneva oo 8 sano uu ku noolaa .
Markii uu Muqdisho tegay wuxuu jeex jeexay baasaboorka dhalashadda Zwitzerland ,wuxuuna hooyadii u sheegay inuu ilaaheey u hiilin doono,isagoo aan aqbalin marnaba codsigeedii waalidnimo.
Maxamud Dhageey hooyadiis waa Hawiye,Habargidir,Sacad ,Reer Jalaf,Reer Xasan waxaana la yiraa Saafi Dibood Diini Xoosh.
Dhageey waxaa gelitaanka Hotel SYL u fudeeyay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kaas oo lagu magacaabo Jeneral Maxamed Yusuf Cumar Madaale.
Jeneral Madaale wuxuu Al-Shabaab ka qaatay lacag dhan konton kun oo dollar,wuxuuna dhaafsaday nolosha dadkii ku dhamaaday Hotel SYL iyo Masuuliyadii ilaalinta amniga Muqdisho.
Dhager qabe Dhegeey wuxuu ku dhashay Degmadda Bandiiradleey ee gobolka Mudug.Aabahiis waxeey dadka u yaqaanaan Cismaan Dheere,Dhagarqabe Dhageey waxa uu ahaa Farsamayaqaan Saacadaha sameeya oo Baar Ubax si wayn looga yaqaano, Waxaana uu Miis Saacadaha lagu sameeyo ku lahaa Agagaarka Masjidka Xareed.
Maxamuud Dhageey wuxuu ku biiray Maxkamadihii Islaamiga ahaa, laakiin 2006-dii markii laga itaal roonaaday Maleeshiyaadkii Maxkamadaha waxa uu tahriib u galay Yurub, halkaasoo uu ka laabtay 2 Sanno ka hor.
Maxamuud Dhagey hooyadiis Saafi waxaa laga soo weriyay iney dhowr jeer ku qalqaalisay inuu Yurub ku laabto maadama ay cabsi ka qabtay Mustaqbalkiisa
Ninkan Maxamuud Dhageey waxa uu ka mid ahaa Maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee Baraawe ka hor intii aysan Magaaladaasi Dawladda Somalia dib u xorayn, Waxaana markii Magaaladaasi laga saaray uu ka mid noqday Maleeshiyaadka Kaynta ku nool, isagoo ugu dambayntiina Noloshiisii ku soo afjaray inuu Naftiisa Qaribo, Ummadda Soomaaliyeedna ku soo qaado Weerar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at