daajis.com:- Qaxootiga Soomaalida ee sharci la'aanta ku ah dalka Holland islamarkaana lagu wargaliyey inay dib ugu noqdaan dalkooda ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday cabsi iyo wel wel hor leh ka dib markii loo sheegay inay isaga guuraan meel garaash ahayd oo ay jabsadeen oo ayna ku noolyeen mudooyinkii ugu dambeeyey maadaama garaashkaas la jabinaayo gebi ahaantiisba.
Qaxootigaan Soomaalida oo ay weheliyaan qaxooti kale oo ka kala socda wadamada Suudaan iyo Eriteria oo mudo ka badan sanado dul wareeegaayey magaalada Amsterdam ka dib markii meel walba oo ay degaan qasab looga saaraayey ayaa dhawaantaan wasiirka cadaalada iyo amniga dalka Holland ninka lagu magacaabo Fred Teeven waxaa uu u gudbiyey baarlamaanka dalkaas Holland fariin ku saabsan in guriga ama goob garaash ahayd oo ay jabsadeen qaxootigaas in dhawaantaan la dumin doono islamarkaana qaxootigaas si ku meel gaar ah loo siin doono hooy iyo cunto, Laalkiin qaxootigaas Soomaaliyeed ayaa arintaas ka soo horjeestey oo gebi ahaanba diiday hadalka ka soo yeeray wasiirka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at