Daawo Sawirada:- Dr. Abdirahman Dualeh Beile oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sultanate Oman

Daawo Sawirada:- Dr. Abdirahman Dualeh Beile oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sultanate Oman

daajis.com:- Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kula kulmay Magaalada Muscat Wasiirka Arrimaha Dibadda Sultanate Oman H.E. Yusuf bin Alawi bin Abdullah oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal u dhaxeeya .

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa booqashada uu ku joogo dalka Sultanate Oman ay ka dambeysay cazuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi .

Sultanate Oman ayaa dib uga furan doonta Caasimadda Muqdisho safaaraddii ay ku laheyd oo si rasmi ah loo xiray markii dagaalo sokeeye ay ka bilowdeen dalka Soomaaliya January 1991.


Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sultanate Oman bixinta qoondada kaga aadan dalkaasi yabooha maaliyadeed ee Ururka Jaamacadda Carabta uu ku dhawaaqay inuu ku taageerayo Miizaaniyad sanadeedka dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaareysa $ 10 million USD .

Xiriirka Soomaaliya iyo Sultanate Oman ayaa bilowday sanadkii 1390 ( Miilaadiyah), waxa uu ku tiirsanaa is dhaafsiga ganacsiga , aqoonta iyo dhaqanka , iyadoo Maamulkii ka jiray Sultanate Oman xilligaasi uu xiriir xoogan kala dhaxeeyay Maamuladii kala duwanaa ee Soomaalida sida Imaaradii Punt , Adal Sultanate , Ajuran Sultanate iyo kuwa kale.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada