daajis.com:- Tartanka Koobka Qaramada Afrika ayaa bilaabmay shalay 17-ka bisha January ee 2015 waxaana uu dhamaan doonaa 8-da February.
Ciyaaraha sanadkan ayaay ka soo qayb galayaan 16 wadan oo loo qaybiyay 4 group.
Group yadaasi oo kala ah:-
Group A: Equatorial Guinea, Congo, Gabon, Burkina Faso
Group B: Zambia, DR Congo, Cape Verde, Tunisia
Group C: Ghana, Senegal, South Africa, Algeria
Group D: Ivory Coast, Guinea, Cameroon, Mali
Group-ka ugu adag ayaa lagu tilmaamaya group ka C waxaa ku jira xulalka Ghana, Senegal, South Africa iyo Algeria, waxaana lagu tilmaamay ka ugu adag Group-yada afarta ah ee loo qeybiyay Tartankan.
Ciyaarta lagu furay tartanka Koobkan qaramada Afrika ayaa dhex maraytay dalka Martigelinaya ee Equatorial Guinea iyo Congo oo ay isku group ku jiraan ayaa ka dhacday Garoon ka magaalada ugu wayn ee Bata, oo loo yaqaano Beta Stadium. Ciyaartaasi oo ay ka soo qayb galeen kumanaan kun oo qof oo waliba u sacbinayay kooxda dalkooda martida loo ahaa ee Equatorial Guinea ayaa hadana aanay ku niyad jabin kooxdii dalka Congo, waxaan isla dhaafi waayeen bar bar dhac 1-1
Burkina Faso iyo Banon ayaa kulanka labaad ee tartaka koobka qaramada Afrika iskaga horyimid. Burkina Faso iyo Gabon ayaa kuwada jira Group A oo ay kulankii furitaanka wada ciyaareen xulalka qaramada Equatorial Guinea iyo Congo, kuwaas oo barbaro galay. Burkina Faso iyo Babon ayaana sii ogaa in xulka guulaystaa uu hogaanka u qaban doono Group A.
Ciyaartii xigtay ee Burkina Faso iyo Gabon oo isla group kaasi ku jira waxay guushu raaxday Gabon oo 2-0 ku dholatusatay Burkina Faso.
Xulka Qaranka Nigeria oo heysta Koobkan ayaan ka qeyb geli doonin, maadaama uu ku hadhay tartamada Is reeb reebka
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:04 and have
, Published at