daajis.com:-Qaraadda Afrika ayaa ka fakaraysa sida u dhow ee ay ku noqon karto dhul xasiloon oo an cabsi ka jirin.
Wadamo badan oo ka tirsan Afrika waxaa ka dagaallamaya kooxo islamiyiin ah kuwaaso dagaallo xooggan kula jira dowlada ka dhisan dhulka ay ku sugan-yihiin.
Afrika oo xasiloon waxaa diiday dagaallamyaasha Al-shabaab iyo Boko Haram,sida ay qabaan madax badan oo Afrika ah,balse hadda waxaa socda qorshe lugu dhisayo ciidammo si gaar ah ula dagaallamaya.
Madaxweynaha wadanka Ghana,John Mahama oo saxaafada wajahaye kadib shirkiii madaxda galbeedka afrika , ayaa kahadlay qatarta kooxda Boko Haram iyo Al-Shabaab ee gobolkan Afrika ka dagaallama.
Mahama ayaa sheegay in kooxda Boko Haram qatarteedu ay tahay mid sareesa loona baahan-yahay in la’iska kaashto la-dagaalanka Kooxdan isagoo caddeeyay in ay raadinayaan dhismaha urur kadhan ah kooxdan oo galbeedka afrika looga dhawaaqo fasaxna looga raadsho dhanka Midowga Afrika.
“Boko Haram waxa ay umuuqataa mida ugu qatarta badan qaarada afrika qaasatan wadanka Nigeria,waxaa sidoo kale iyaguna qatartoodu ay muuqataa Al-shabaab oo qatar kuhaya wadamada Somalia iyo Kenya” ayuu qudbadiisa kusheegay madaxweynaha wadanka Ghana Mahama.
Al-shabab oo ka aas-aasan Soomaaliya ayaa weerarro dhiig badan ay kudaateen ka fuliyay gudaha dalka iyo wadanka Kenya ,BoKo Haram ayaa iyana bishan gudaheeda ilaa 4,000 oo ruux ku xasuuqay wadanka Nigeria.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:06 and have
, Published at